
Tallaalada COVID waxay u diyaariyaan jirkaaga caabuqyada mustaqbalka.
Sida tallaalada kale, kuwani ma daaweeyaan COVID. Waa in aad qaadatid ka hor inta aanad qaadin cudurka.
Tallaaladu waxay ku shaqeeyaan diyaarinta habka difaaca jirkaaga. Waxay ka caawiyaan hababka difaaca dabiiciga ah ee jirkaaga inay aqoonsadaan oo ay la dagaallamaan fayraska dhabta ah, haddii aad mar dambe qaaddo.
Dadka intooda badan waxay qaataan laba qiyaasood oo tallaalkooda ah, iyada oo ay u dhaxayso dhawr bilood.
Waxaa laga yaabaa in aad dareento tallaalka kadibsaameeyn fudud sida: (xanuun, madax-xanuun, qandho) kuwaas oo iska caadi ah. Tani waa calaamad wanaagsan oo habka difaaca jirkaagu uu isu diyaarinayo.
Tallaalka ka dib, waxaa wali lagugula talinayaa inaad isticmaasho maaskaraha meellaha fagaarayaasha ah, iyo inaad iska ilaaliso dadka faraha badan. Weli waad qaadi kartaa cudurka COVID xitaa marka lagu tallaalo. Tallaalkani wuxuu kaa ilaalinayaa in cudurku si daran kuu haleelo, laakiin waxaad wali ku faafin kartaa fayraska dadka kale ee aad daryeesho.