Uurka/Naasnuujinta

Uurka

Haweenka uurka leh waxay la kulmaan khatar sii kordhaysa oo ka imanaysa dhibaatooyin daran oo COVID ka ah iyo dhimasho. COVID ka waxaa kale oo uu kordhiyaa khatar keeni karta in hooyadu dhicso ama dhasho ilmo meyd ah.

In kasta oo ay jirtay taxaddarkii ugu horreeyay ee ku saabsan tallaallada haweenka uurka leh, hadda waxaan ognahay in tallaallada aysan waxba u dhimeyn dumarka uurka leh, oo ay ka caawinayaan ka hortagga cudurrada halista ah. Malaayiin dumar ah ayaa qaatay tallaalka. Ka hubi dhakhtarkaaga haddii aad qabto arrimo kale oo caafimaad, waxaana laga yaabaa inaad ku jirto dadka nugul sababo kale dartood.

Naas-nuujinta

Haddii aad adigu qabto COVID oo aad naaska nuujinayso, waxaa lagugula talinayaa inaad xirato maaskaro oo aad gacmaha dhaqdo, si aad uga hortagto in ilmahaagu qaado cudurka.

Ma jiraan walaac caafimaad oo ku saabsan in hooyada naaska nuujinaysa la tallaalo.