
Waxaa jira warar badan oo jaah-wareer leh oo ku saabsan masiibada cudurka. Waa kuwan xaqiiqooyinku:
Waa kuwaan xaqiiqooyinka:
- COVID waa khatar, wuxuuna dilay in ka badan 10 milyan oo qof
- Tallaaladu waa badbaado, waxayna badbaadiyeen malaayiin qof
Dadku si dabiici ah ayey uga baqaan cudurka. Faafidda ayaa sidoo kale go'doomisay dadka, ku qasabtay inay beddelaan dhaqamadooda - waxayna abuurtay culeys dhaqaale oo aad u weyn.
Way adag tahay in laga cabsado fayras qofna uusan arki karin, markaa welwelkii laga qabay cudurka waxaa loo bedeley in dadka wax iska rumeeya laga dhaadhiciyo beenta laga abuuray xaqiiqada cudurka. Tani waxay keentay in dadku abuuraan oo ay faafiyaan aragtiyo iyo aan sax ahayn.
Dalka Kenya, iyadoonba weli la arag dad badan oo cudurku soo ridanayo ayaaba la bilaabay in la isla dhexmaro haddllo aan sax ahayn. Dad baa been-abuur faafinayey iyogoo u qaba in ay dadka caawinayaan. Marka qorku rumeeyo hadallada beenta ah, way adkaanaysaa inuu aamino wax ka saxda ah cudurka. Waxay u baahan yihiin xog lagu kalsoonaan karo helaan, kana helaan dad ay aamini karaan.
Hadda dad badan ayaa la ildaran COVID - laakiin waxaan haysanaa tallaalo na ilaalinaya. Waxaanna rumaysannahay in dadka badidood si fudud loo tallaali doono, haddii si wanaagsan loo wargeliyo.