
COVID-19 waa cudur la kala qaado oo uu keeno fayras. Laga soo bilaabo 2019 waxay sababtay masiibo caalami ah oo weli socota.
In ka badan 10 milyan oo qof ayaa laga yaabaa inay u dhinteen COVID ilaa hadda. Ku-dhawaad 10% dadka adduunka ayaa laga yaabaa inay hore u qaadeen cudurka.
In kasta oo dad badani aanay haba yaraatee wax calaamado ah muujin, haddana xaaladaha daran ee COVID waxaa uu horseedaa hawlgab xagga hab- dhiska neefsashada ah iyo xataa dhimasho. Kuwa ka midka ah dadka nugul - oo ay ku jiraan waayeel iyo haweenka uurka leh - waxay ku jiraan khatar daran.
COVID caadi ahaan waxaa lagu kala qaadaa neefta dadka cudurka qaba. Maaskarada wajiga, hawo wanaagsan, iyo kala fogaanshiyaha bulshada ayaa ah dariiqooyinka wan- wanaagsan oo lagu ilaalin karo deb-qabka.
Tallaalku aad buu u yareeyaa khataraha jirrada halista ah.