
COVID waa wax aan caadi ahayn - dad kala duwan ayuu cudurkani u saameeyaa siyaabo kala duwan. Fayrasku wuxuu badanaa keenaa qufac, qandho ama isbeddel ku yimaada dareenka urta ama dhadhanka. Qaar kale waxay la kulmaan dhibaatooyin caloosha ah, shuban, ama finan maqaarka ah.
Dad badan ma yeeshaan wax calaamado ah, laakiin wali waxay ku faafi karaan dadka kale (waa dadka nooca calaamad matuse ah). Tani waa sababta COVID uu si fudud ugu faafo ama ugu fido.
Xaaladaha daran, COVID wuxuu abuuri karaa dhibaatooyin xagga neefsashada ah, iyo hawlgabka xubno badan oo jirka ka mid ah, taasoo horseedda dhimasho. Dadka da'da ah iyo dadka nugul, oo ay ku jiraan waayeelka iyo haweenka uurka leh, ayaa halis ugu jira inay dhintaan.
Carruurtu waxaa ku dhici kara COVID, laakiin badidoodu uma bukoodaan sida dadka waaweyn. Qaar baa laga yaabaa inaysan muujin wax calaamado ah gabi ahaanba. (Dugsiyadu waa dariiqa ugu muhiimsan ee fayraska u fiday ama u faafay.)
Dadka qaarkood waxay u muuqdaan inay leeyihiin calaamado waara. Tani waxay u baahan tahay cilmi- baaris dheeraad ah, laakiin waxay soo sheegaan dhibaatooyinka neefsashada, daciifnimada murqaha, caafimaadka maskaxda, iyo calaamado kale.